WHAT'S NEW
India oo Pakistan ku eedeysay in ay weerartay saddex saldhig oo...
ACCESSORIES
Mareykanka oo xaqiijiyay qorshe gaar oo gargaarka lagu gaynayo Gaza
India oo Pakistan ku eedeysay in ay weerartay saddex saldhig oo...
WINDOWS PHONE
Ciidamada oo nin hubeysan ku toogtay Magaalada Beledweyne
LATEST ARTICLES
Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay inaanan la tagi karon Garoonka Ben Gurion
Ururka Xuuthiyiinta Yemen oo sheegtay masuuliyadda weerarka gantaal ee maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv ayaa ku celiyay digniintooda ah inaanan la tagi karin garoonkaasi. Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree oo bayaan uu soo saaray Warbaahinta la wadaagay ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay safarka garoonkaasi, maadaama sida uu sheegay aanu ahayn mid ammaan...
Ciidamada oo nin hubeysan ku toogtay Magaalada Beledweyne
Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadu ay caawa nin hubeysan ku toogteen magaaladaasi. Ciidamada Dowladda ayaa waxay ninkan ku dileen aagga Buundo Weyn, oo ka mid ah meelaha ay ku leeyihiin barraha amniga lagu xaqiijiyo ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ku hubeysnaa bastoolad iyo bambada nooca gacanta laga tuuro, taasina ay ka...
Mareykanka oo xaqiijiyay qorshe gaar oo gargaarka lagu gaynayo Gaza
Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu jiro qorshe gaar ah oo hadda ka dib gargaarka lagu gaarsiin doono Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza, ka dib wax ka badan muddo laba bilood oo aanu gargaarku gelin dhulka go'doonsan. Safiirka Mareykanka ee Israel, Mike Huckabee ayaa sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay gargaarka gaarsiin doonaan dadka reer Gaza. Safiirka Mareykanka ayaa tilmaamay in...
Israel oo weerar kala kulantay Xuuthiyiinta Yemen
Dhawaqa seeriga digniinaha ee duulaanka cirka ayaa maanta laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Israel, iyadoo Xuuthiyiinta ay gantaal ka soo rideen dalka Yemen. Dadka ayaa la arkayay iyagoo ku kala cararaya bartamaha Israel, oo ay ku jirto magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv. War ka soo baxay Militariga Israel ayaa lagu sheegay in ay soo rideen gantaalkaasi,...
India oo Pakistan ku eedeysay in ay weerartay saddex saldhig oo militarigeeda ay leeyihiin
India ayaa Pakistan ku eedeysay in ay xalay weerartay saddex ka mid ah saldhigyada ay militarigeeda ku leeyihiin Gobolka Kashmir, qaybta ay India maamusho. Militariga India ayaa sheegay in Pakistan ay mowjado drones iyo gantaalo ku garaacday saldhigyadan oo ku yaala Magaalada Jammu ee qaybta ay India ka maamusho Gobolka Kashmir. Qaraxyo ayaa la sheegay inay xalay ruxeen magaaladaasi, waana xilli...