Home WARARKA Mareykanka oo xaqiijiyay qorshe gaar oo gargaarka lagu gaynayo Gaza

Mareykanka oo xaqiijiyay qorshe gaar oo gargaarka lagu gaynayo Gaza

13
0

Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu jiro qorshe gaar ah oo hadda ka dib gargaarka lagu gaarsiin doono Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza, ka dib wax ka badan muddo laba bilood oo aanu gargaarku gelin dhulka go’doonsan.

Safiirka Mareykanka ee Israel, Mike Huckabee ayaa sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay gargaarka gaarsiin doonaan dadka reer Gaza.

Safiirka Mareykanka ayaa tilmaamay in qandaraasleyaasha ammaanku ay marka hore cunto iyo sahay kale siin doonaan in ka badan hal milyan oo qof.

Safiirka ayaa sheegay in hannaankan cusub ee gargaar qaybinta looga dan leeyahay in Xamaas aysan xadin gargaarka, sida uu yiri.

Safiirka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Israel ay ka qayb qaadaneyso gaarsiinta ama qaybinta gargaarka, waxaase uu sheegay in Ciidamada Israel ay ilaalin doonaan xeendaabka xarumaha lagu qaybinayo gargaarka.

“Ciidamada Israel waxay ka qayb qaadan doonaan sugidda ammaanka lagama maarmaanka ah, sababtoo ah meeshani waa aag dagaal, balse kuma lug yeelan doonaan qaybinta cuntada ama xitaa keenista gargaarka Gaza.” Ayuu yiri Safiirka Mareykanka ee Israel.

Mike Huckabee oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jerusalem (Qudus) ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu doonayo in la sameeyo wax kasta oo suurtagal ah, si gargaarka loo gaarsiiyo Gaza.

Danjire Huckabee ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Trump uu dadaal badani ku bixiyay, sidii si degdeg ah uu gargaarka ugu geli lahaa gudaha Gaza, kooxdiisana loo xilsaaray inay arrintaasi xaqiijiyaan.

Huckabee ayaa sheegay inay ka shaqeynaayaan, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah in ay gargaarka bani’aadantinimo u helaan dadka Gaza.

Xaalad bani’aadantinimo oo aad u daran ayaa muddooyinkanba ka jirtay Marinka Gaza, taas oo ka dhalatay Israel oo si buuxda isku hortaagtay kaalmadii bani’aadantinimo ee caalamka uu gaynayay Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here