Dhawaqa seeriga digniinaha ee duulaanka cirka ayaa maanta laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Israel, iyadoo Xuuthiyiinta ay gantaal ka soo rideen dalka Yemen.
Dadka ayaa la arkayay iyagoo ku kala cararaya bartamaha Israel, oo ay ku jirto magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv.
War ka soo baxay Militariga Israel ayaa lagu sheegay in ay soo rideen gantaalkaasi, iyagoo adeegsanaya nidaamkooda difaaca hawada.
Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka gantaalka ah, sida lagu sheegay warka militariga.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in gantaal ballaastik ah ay ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in weerar kale oo diyaarad drone loo adeegsaday lala beegsaday bartilmaameed muhiim ah, oo cadowga uu ku leeyahay sida uu yiri isla aagga.
Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegaya in weerarku uu qayb ka yahay tallaabooyinka ay kaga jawaabayaan xasuuqa ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz ayaa sheegay in ay si adag uga aargudan doonaan Yemen, isla-markaana ay hadaf ka dhigan doonaan meel kasta oo loo baahdo.
Weerarka ayaa imanaya maalmo yar uun ka dib, markii Mareykanka iyo Xuuthiyiinta ay isla qaateen xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Dowladda Cumaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Albusaidi ayaa saacadihii dambe ee Talaadadii sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen heshiiska xabad joojinta.
Madaxweyne Donald Trump ayaa isla Talaadadii sheegay in ay joojinayaan duqaymihii ay ka wadeen dalka Yemen, bacdamaa ay Xuuthiyiinta ogolaadeen inaysan weerari doonin maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam ayaa isna Arbacadii sheegay in heshiiskani aanay qayb ka ahayn Israel.
Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weeraradooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza, kana qaadeyso go’doominta ay muddada dheer ku hayso.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu ka carooday heshiiskan, maadaama aanu Mareykanku ka talagelin.