India ayaa Pakistan ku eedeysay in ay xalay weerartay saddex ka mid ah saldhigyada ay militarigeeda ku leeyihiin Gobolka Kashmir, qaybta ay India maamusho.
Militariga India ayaa sheegay in Pakistan ay mowjado drones iyo gantaalo ku garaacday saldhigyadan oo ku yaala Magaalada Jammu ee qaybta ay India ka maamusho Gobolka Kashmir.
Qaraxyo ayaa la sheegay inay xalay ruxeen magaaladaasi, waana xilli gobolku uu galay xaalad hubinti la’aan ah.
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif ayaa si adag u beeniyay sheegashada Delhi, ee ah in Islamabad ay beegsatay saldhigyada ay ku leedahay Jammu.
“Wax weerar ah maanan gaysan, illaa iyo hadda.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan oo intaasi ku daray in la dareemi lahaa, haddii ay weerar gaysan lahaayeen.
“Kama laaban doono inaan weerar qaadno, ka dibna ma dafiri doono.” Ayuu yiri Wasiirka, isaga oo xoojinaya hanjabaaddii Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ee la xiriirtay in dalkiisu uu ka jawaabi doono weerarkii waaberigii hore ee Arbacadii kaga yimid India.
Xiisadda labada dal ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib markii India ay duqaysay sagaal goobood oo ku kala yaala dhulka Pakistan ka maamusho Gobolka Kashmir iyo weliba gudaha Pakistan.
Dunida ayaa ka baqdin qabta in xiisadda labadan dal ay faraha ka baxdo, taasoo keeni karta in dagaalkoodu uu gaaro heer ay nuclear isku adeegsadaan.