Ururka Xuuthiyiinta Yemen oo sheegtay masuuliyadda weerarka gantaal ee maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv ayaa ku celiyay digniintooda ah inaanan la tagi karin garoonkaasi.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree oo bayaan uu soo saaray Warbaahinta la wadaagay ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay safarka garoonkaasi, maadaama sida uu sheegay aanu ahayn mid ammaan ah.
“Garoonka Ben Gurion ammaan uma ahan safarka diyaaradaha. Sidaas daraadeed waa in laga fogaadaa.” Ayuu yiri Yahya Saree.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa gantaal ballaastik ah la beegsaday xeendaabka garoonkaasi, oo ah midka ugu weyn ee Israel, waxaana la sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen.
Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in nidaamkooda difaaca hawada ay u suurtageli weyday in gantaalkaasi uu ka hortago.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii afaraad oo Xuuthiyiinta ay ku qaadaan Magaalada Tel Aviv, tan iyo Jimcihii.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa Khamiistii khudbaddiisa toddobaadlaha ku sheegay in falcelinta shacabka Yemen ay sii jiri doonto, illaa iyo inta laga soo afjarayo dhiigga ay Israel ku daadineyso Gaza, gargaarkana ay u ogolaaneyso dadka rayidka ah.
Fallanqeeyeyaasha ayaa weeradada sii kordhaya ee Xuuthiyiinta ku tilmaamay mid jebiyay qabkii Israel iyo xulafadooda ugu weyn ee Mareykanka.
Mareykanka ayaa bishii labaad si maalinle ah u duqaynaya bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee gudaha Yemen. Mareykanka ayaa Xuuthiyiinta culeys ku saaraya in ay joojiyaan weerarada ay wadaan, inkastoo ay weerarada Xuuthiyiinta u muuqdaan kuwo aan la joojin karin.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta Mareykanka & Israel iyo beegsiga ay ku hayaan gudaha Israel, inta laga soo afjarayo colaadda Gaza, lagana qaadayo xanibaadda lagu hayo gargaarka bani’aadantinimo.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bishii hore ku hanjabay inay laayi doonaan horjoogeyaasha Xuuthiyiinta, haddii aysan joojin gantaalada iyo diyaaradaha drones-ka ee ay ku weerarayaan gudaha Israel iyo maraakiibta ganacsiga ee isaga kala gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhegaha ka fureynsaya hanjabaadaha uga imanaya Mareykanka iyo Israel ee lagu dirqinayo inay joojiyaan weerarada ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiin.
Xuuthiyiinta ayaa ku celceliya in hadafkooda ugu weyn uu yahay, sidii ay Israel iyo xulafadeeda dibadda ugu cadaadin lahaayeen inay joojiyaan xasuuqa Gaza.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa la sheegaa in ay dhuunta u galeen Mareykanka, kaas oo ah dalka ugu weyn ee Israel ku ilaaliya Bariga Dhexe, waana dalka ugu tunka weyn xuladada reer galbeed ee sax iyo khaladba ku taageera Tel Aviv.