Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadu ay caawa nin hubeysan ku toogteen magaaladaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa waxay ninkan ku dileen aagga Buundo Weyn, oo ka mid ah meelaha ay ku leeyihiin barraha amniga lagu xaqiijiyo ee magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ku hubeysnaa bastoolad iyo bambada nooca gacanta laga tuuro, taasina ay ka dambeysay in ciidamadu ay toogtaan.
Warbaahinta Qaranka ayaa mar dambe sheegtay in ciidamadu ay ka hortaggeen fal amni darro oo ninkaasi uu damacsanaa.
Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa ku sheegaya in ninkaasi uu ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.
Dhallinyarada deegaanka ayaa la arkayay, iyagoo meydka ninkaasi ku dhex jiidaya waddooyinka magaalada, kuna sheegaya in uu Shabaab ahaa.
Ciidamada ayaa mararka qaarkood magaalooyinka iyo deegaanada ay ku sugan yihiin ku toogta xubnaha lala xiriiriyo Shabaabnimada.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli ciidamadu ay hawlgalo ka wadaan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, kana dhan ah maleeshiyadaasi.
Shabaabka ayaa muddooyinkanba weeraro qalqalgelin ah ka waday deegaanada qaar ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.